U gudub tusmada ugu weyn
Tusmada Ugu Weyn

UnitedHealthcare Community Plan — Indiana PathWays for Aging

Medicaid

Indiana PathWays for Aging waa Indiana barnaamij caymis caafimaad oo loogu talagalay dadka asalka u ah ama daggan gobolka Indiana ee jira da’da 60 iyo ka weyn ee u qalma Medicaid. Cilmi baaris ayaa muujinaysa in dadka waayeelka ah badankoodu – 75% ama ka badan – ay doonayaan inay kusii duqoobaan guriga ama xaafadahooda dhexdooda. Indiana PathWays for Aging waxay suurtagal ka dhigtaa in dadka asalka u ah ama daggan gobolka Indiana ay sida ay ayagu doonayaan u duqoobaan. Qorshaheena ayaa xulashooyin badan siiya dadka si ay u helaan heerka xarunta baxnaanada ee daryeelka guriga ama biiada xaafada dhexdeeda ah, ayagoo u nool si madax bannaan. Xasuusnoow in guri caafimaad uu u noqon karo dooqa saxda ah dadka qaarkii. 

FSSA wuxuu qandaraas ku siiyay UnitedHealthcare bixinta barnaamijkathe Indiana PathWays for Aging Program. UnitedHealthcare waa qorshahaaga caafimaadka. 

  • UnitedHealthcare Community Plan — Indiana PathWays for AgingTallaabooyinka Isdiiwaangelinta
  • Hubi u-qalmida (ku furma bogga xiran)

Macaashyada & Sifooyinka

Liiska Hubinta ee Xubnaha Cusub

Haddii aad tahay xubin cusub oo barnaamijka Indiana PathWays for Aging ka tirsan, in wax laguu xiriiriyo inta lagu jiro maalmahaaga 30 ugu horreeya aad ayay muhiim u tahay. Halkaan waxaa ah liiska waxyaabaha laqabnayo. Markii aad dhammaystirto liiskaan, waxay noo saamaxdaa taasi inaan ogaano dooqyadaada markii laga hadlaayo maareynta caafimaadkaaga:  

  1. Eeg farriimahaaga codadka ah oo dib noo soo wac. Waxaanu isku dayi doonaa inaanu taleefanka kaala soo xiriirno ama si toos ah fool ka fool inta lagu jiro asbuucyadaada 4 ugu horreeya ee UnitedHealthcare Community Plan. Haddii aadan qaban taleefanka nambarada aadan aqoon markii lagaa soo waco, waanu fahmaynaa arrinkaa. Macno ayaa kujira inaan la aaminin dadka ku weydiinaya suaalo shakhsi khuseeya intay taleefan kaasoo wacaan. Taasi waa sababta aanu u dhiirigalino inaad adigu naga soo wacdo 1-800-832-4643 / TTY711. Waxaanu sidoo kale kugula kulmi karnaa meel fagaare ah oo dadweynaha oo dhan u dhexeysa ama waxaanu soo booqan karnaa halka aad ku nooshahay. 
  2. Buuxi baaritaanka baaxiyahaaga caafimaadka. Tani waa tillaabada ugu horreysa ee muhiimka ah. Waxay gacan ka geysataa inaanu ogaano sida aad tahay maanta. Ka soo Wac Member Services 1-800-832-4643 / TTY 711 oo halagugu sameeyo baaritaankaaga baahiyaha caafimaadka. Haddii aad buuxisid arrinkaan maalmaha 30 ugu horreeya, waxay ahaan doontaa inaad ka xulato abaal marin liiskeena abaalmarinada xubnaha. 
  3. Nasoo ogeysii sida aad dooneyso inaanu kuula soo xiriirno. Waxaa arrinkaan kujira boostada, iimayl, iyo xulashooyinka farriin qoraaleedka. Waxaanu sidoo kale kaa caawin karnaa diyaarinta daabacaada waaweyn, farta indhooleyaasha, ama qaabab kale. Haddii Ingiriisi uusan ahayn luuqadaada ugu horreysa, waxaanu kuu soo diri doonaa qoraallo ku dhigan luuqadaada. Waxaad nala wadaagi doontaa waxyaabahaa la doorbidayo durba markaad gasho oo dhammeyso baaritaanka lagugu samayn doono ee ku saabsan baahiyahaaga caafimaadka. 
  4. Xulo Bixiye Qaabilsan Caafimaadka Aasaasiga ah (PMP). Durba markii aad awoodo, waa muhiim inaad xulato Bixiye Qaabilsan Caafimaadka Aasaasiga ah (Primary Medical Provider, PMP). Kani waa dhaqtarkaaga ugu weyn ee ku baaraya markii lagu marinaayo baaritaanada sannadlaha ah, booqashooyinka joogtada ah ee jirrada iyo caafimaadka, iyo tallaalada (irbadaha tallaalka).  Halkaan waxaa ah xulashooyinka doorashada ee PMP-gaaga:
    • Gal bogaaga internet-ka ee xubinimada ee  MyUHC.com/CommunityPlan.
    • Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa aaladeena goobitaanka bixiyeyaasha si aad u aragto dhammaan bixiyeyaasha ku jira shabakadeena. 
    • Soo wac Member Services si lagaaga caawiyo helitaanka PMP. Waxaanu sidoo kale kuu soo diri karnaa iimayl ama waxaanu kuu soo diri doonaa liiska bixiyeyaasha si aad mid uga xulato. 

Sidoo kale waa inaad:

  • Qabsato ballan lala yeelanayo PMP-gaaga.  Sidoo kale waa inaad la kulanto PMP-gaaga durba sida ugu dhaqso badan kadib markii aad noqoto Indiana PathWays for Aging xubin. 
  • La xiriir Isu-duwaha Daryeelka. Wac Member Services si aad u bilowdo hawsha. Isu-duwahaaga Daryeelka ayaa ah “qofkaad u tageyso” ee halkaan UnitedHealthcare. Isu-duwahaaga Daryeelka ayaa adiga wax kaa dhageysanaya. Waxay kuu sheegayaan xulashooyin habkaaga taageeraya, si aad ugu noolaato qaabka aad rabto. Yoolkeena ayaa ah inaan aragno adigoo unool sida ugu madax bannaani badan ee suurtagalka ah. 
  • Weydii suaalo! Waxaanu dooneynaa inaan fikirkaaga maqalno. Kuxirnoow dhigaallada, barnaamijyada, iyo adeegyada. Wac Member Services si aad u ogaato wax ku saabsan dhammaan waxyaabaha dheeraadka ah ee aanu ka bixino UnitedHealthcare. Waxaan dooneynaa inaanu kaaga dhigno arrinkaan mahadho farxadeed oo fudud. 

 

UnitedHealthcare waxay kaa caawin doonaan inaad fahamto caymisyadaada caafimaadka iyo faaiidooyinka aad ka hesho. Waxaanu taageernaa abaabulka dhammaan adeegyada hoos imaanaya Medicare, Medicaid, iyo caymiska caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay. Waxaa arrinkaan ku jira Medicare, qorshe duwan oo ah Medicare Advantage, Qorsheha Baahiyaha Gaarka ah Xaaladaha Caafimaad Darrada ee Raagay (C-SNPs), iyo Qorsheyaasha Baahiyaha Gaarka ah ee Hayadeed (I-SNPs). 

Waxaanu xaqiijinaa in adeegyada la caymiyo uuna bixiyo barnaamijka Indiana PathWays for Aging markii xubnuhu u qalmaan adeegyada Medicare iyo Medicaid. Waxaanu la shaqeyn doonaa bixiyeyaasha Medicare, qorsheyaasha Medicare Advantage, iyo bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka si loo abaabulo ama laisugu duwo daryeelka iyo dheefaha ama faaiidooyinka. Waxaanu la shaqeynaa dhammaan hayadaha munaasabka arrinka ku ah ee gobolka iyo kuwa bixiya adeegyada bulshada iyo waliba ururrada bulshada (CBOs) hadba sidii loo baahdo si sidii hore ka wacan si loogu qeexo waxna looga qabto baahiyaha caafimaadka iyo baahiyaha bulshada intaba. 

Adeegyada caafimaadka dhimirka ayaa la caymiyaa mana u baahna gudbin. Waxaa arrinkaa kujira booqashooyinka xafiiska, adeegyada bukaan jiifka iyo adeegyada bukaan socodka. Ka eeg faahfaahin buuggayaraha xubnaha. 

 

Xubin waliba oo ka tirsan UnitedHealthcare barnaamijkaan gudihiisa hal qof oo waxay leedahay ah kan ugu weyn ee lagala soo xiriirayo. Kaasi waa Isu-duwaha Daryeelka. Isu-duwaha Daryeelka waxaa lagu tababaray inuu fahmo barnaamijyada dhammaantood, adeegyada, dheefaha, iyo caymisyada laga heli karaayo Indiana. Markii xubnuhu wadaagaan xogta, wuxuu dhagaystaa Isu-duwaha Daryeelka. Waxay taageeraan yoolasha waxayna meesha ka saaraan caqabadaha. Isu-duwaha Daryeelka.ayaa siiya xubnaha, iyo kuwa asaga taageera, nabad maskax dajin ah markii ay dhex mushaaxayaan nidaamka daryeelka caafimaadka.

Daryeelka chiropractic ee loo saamaxo jirku inuu iskii u buskoodo ayaa caymiska lgu bixiyaa ilaa xad waxoogaa. Ka eeg faahfaahin buuggayaraha xubnaha.

Adeegyada caafimaadka ilkaha oo joogta ah ayaa caymiska kujira. UnitedHealthcare waxay bixiyaan adeegyo dheeraad ah oo dhanka caafimaadka ilkaha ah sida raajada ilkaha, foloriinta, daaweynta cudurrada cirridka gala, iyo booqashooyinka fogaan-aragga ee caafimaadka ilkaha.

Si ay u helaan daryeel degdeg ah, xubnuhu waa inay wacaan 911 ama aadaan qolka xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka ee ugu dhow (ER). Hana soo wicin ka hor inta aadan nambarkaas garaacin 911. Safrin ama Taransiboortaashin Degdeg ah ayaa caymiska kujira.

Fadlan guji Dhigaallada Xubnaha qeybta ku saabsan ee mareegtaan si aad wax badan uga ogaato barnaamijyadeena lacag la’aanta ama bilaashka ah iyo adeegyada. Kuwaan qaarkood waxaa un heli kara xubnaha UnitedHealthcare. 

Ilaa 6 ah daryeelka joogtada ah ee cagaha booqashooyinkiisa ayaa caymiska lagu bixiyaa sanad kasta. Adeegyada qaarkood ayaa u baahan oggolaansho hore. Fadlan ka eeg faahfaahin buugyaraha xubnaha.

Adeegyada Guriga iyo Bulshada Kusalaysan (HCBS) waxaa kujira adeegyo ay ka mid yihiin adeegyada maalinkii ee dadka waaweyn, cunnooyinka guryaha la keeno, xanaaneeyaha guryaha iyo taageerooyin kale oo kuu saamaxaya inaad u noolaato si madax bannaan ilaa intii suurtagal ah. Fadlan ka eeg faahfaahin buugyaraha xubnaha.

Caymiska ayaa loo heli karaa hayadaha caafimaadka guriga ka shaqeeya taasoo loogu talagalay adeegyada baxnaaninta ee xirfadeysan ee caafimaad ahaan habboon, oo ay bixinayso kalkaaliso aqoon leh oo u qalanta hawshaa, iyo waliba adeegyada kaaliyaha caafimaadka ee guriga. Ka eeg faahfaahin buuggayaraha xubnaha.

Adeegyada Isbitaalka

Haddii loogu talagalay habraaca la sameeyo isla hal maalin gudaheed (bukaan socodka) ama uu kujiro joogitaanka habeenkii (bukaan jiif), adeegyada isbitaalka ayaa caymiska kujira. 

Xasilinta Guriyeynta

Waxaanu dooneynaa in xubnaha iyo qoysaskoodu ku naaloodaan guriyeyn badbaado leh oo qiime jaban. Waxaanu kugu caawin karnaa qorshe lagu horumarinaayo guriga aad hadda daggan tahay ama inaan kula qorsheyno inaad guri kale u guurto. Isu-duwaha Daryeelka ayaa ka shaqeyn doona soo uruurinta yoolasha oo kula wadaagi doono xulashooyin wax ka qabanaya baahiyaha xubnaheena. 

Taageerada Caawiyaha aan Rasmiga ahayn

Xubno badan ayaa leh asaxaab iyo xubno qoys oo badanaa caawin kara ama ka warqabi kara. Waxaanu leenahay barnaamijyo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka caawiya xubnaheena. La hadal Isu-duwaha Daryeelka si aad wax badan arrinka uga ogaato.

Daryeelka Muddada-dheer

Daryeel muddo dheer soconaaya ayaa la heli karaa. Xubnaha iyo dadka ayaga taageera ayaa la hadli kara Isu-duwaha Daryeelka si loo fahmo xulashooyinka la heli karo dhammaantood. Waxaanu ka shaqeyn doonaa dejinta yoolal u dhigma natiijooyinka uu jecelyahay qofka xubinta ah. Xubnaha dhammaantood waa in lagu sameeyo baaritaan oo loo ansixiyo daryeel muddo dheer soconaya.

Qalabka iyo Saadadka Caafimaadka

Caymisbaa loo heli karaa saadka dawooyinka, qalabka, iyo aaladaha guriga lagu dhex isticmaali karo. Isu-duwe Daryeel ayaa gacan ka geysan kara diyaarinta qalabka iyo saadka loo baahan yahay.

Daryeelka Guriga Kalkaalinta

Daryeelka guriga kalkaalinta ayaa la heli karayaa. Xubnaha iyo dadka ayaga taageera ayaa la hadli kara Isu-duwaha Daryeelka si loo fahmo xulashooyinka la heli karo dhammaantood. Waxaanu ka shaqeyn doonaa dejinta yoolal u dhigma natiijooyinka uu jecelyahay qofka xubinta ah. Xubnaha dhammaantood waa in la baaro oo loo ansixiyo daryeelka guriga kalkaalinta. Arrinkaan waxaa loo ansixin karaa joogitaanka mudada gaaban iyo joogitaanka mudada dheer.

Adeegyada Caafimaadka ee Gobolka Kabaxsan

Waxaa jira xadad markii la isticmaalayo adeegyo ka baxsan Indiana. Fadlan ka eeg faahfaahin buugyaraha xubnaha. Haddii xubnuhu wajahayaan xaalad degdeg ah, booqashada qolka xaaladaha degdegga ah ayaa caymiska kujira.

Farmashiyaha

Daawooyinka lasoo qoray ayaa caymiska kujira. Qorsheyaasha caafimaadka dhammaantood waxay raacaan isku sharuuc ku saabsan daawooyinka caymiska ugu jira sidii inay qeyb ka yihiin barnaamijka Indiana PathWays for Aging program. Isla liiska daawooyinka la ansixiyay ayaa la isticmaalaa. Waxaa arrinkaan loogu yeeraa Liiska Daawooyinka Ladoor Bidayo, ama PDL.

Booqashooyinka Bixiyaha Daryeelka Caafimaadka

Booqashooyinka xafiiska badankooda ayaa caymiska kujira. Ka eeg faahfaahin buuggayaraha xubnaha.

Dib-u-go'aaminta

Markii la gaaro waqtiga dib loo cusbooneysiinayo faaiidooyinka iyo caymiska, waxaa arrinkaan loogu yeeraa dib u goaamin. Indiana Maamulka Qoyska iyo Bulshada (FSSA) ayaa boostada kuugu soo diri doona xasuusinta “Ogeysiiska Dib-u-cusbooneysiinta” kuwaasoo ku weydiin kara macluumaad. Si taxadar leh u akhri tilmaamaha la socda foomkaaga cusboonaysiinta. Waxaa laga yaabaa in lagaaga baahdo inaad saxiixdo foomka oo aad soo dirto isagoo ku qoran macluumaadka qaar, ama waxaa laga yaabaa inaad u baahato kaliya inaad dib u eegto foomka oo aad ka warbixiso haddii wax ka mid ah macluumaadka ay isbeddeleen sannadkii u dambeeyay. Haddii ay wax walba sax yihiin, uma baahnid inaad ka jawaabto. Waa inaad sii ahaataa mid u qalma Medicaid si aad ugu sii jirto barnaamijka Indiana PathWays for Aging program.

Joogitaanka Xarunta Baxnaaninta

Kuwaa waa sharuucda joogitaanka qeyb loogu talagalay baxnaaninta. Isu-duwaha Daryeelka ee qofka xubinta ah ayaa gacan ka geysan kara ka jawaabida suaalaha ama sharraxaad ka bixin kara wixii xadad ah ama ansixin hore oo loo baahan yahay.

Joogitaanka goobta baxnaaninta waa muddo gaaban. Joogitaanka ayaa loogu baahnaan karaa ka soo kabashada balwada. Waxa kale oo ay noqon kartaa joogitaan ay ku jiraan daawaynta la xidhiidha soo kabashada jidhka.

Daaweynta Isticmaalka Maandooriyaha

Xubnaha ayaa heli karaya daaweynta dadka meesha daggan la siiyo haddii ay helaan caawimaad khamri ama isticmaalka daroogada aawadood. Waxaa arrinkaa kujira xarunta in habeenkii la joogo. Isu-duwaha Daryeelka ee qofka xubinta ah ayaa gacan ka geysan kara ka jawaabida suaalaha ama sharraxaad ka bixin kara wixii xadad ah ama ansixin hore oo loo baahan yahay.

Gaadiid-raaca

Xubnaha aan gawaari lahayn ama dhib ka mara helitaanka gaadiid qaada, qarashka gaadiidka waa laga bixinaa. Xubnaha UnitedHealthcare waxay helayaan faaiidooyinka gaadiid ay bilaash ku raacaan (gaadiid in lagu qaado) taasoo loogu talagalay:

  • Booqasho bixiye ama ballanta daryeelka caafimaadka
  • Safarada lagu tagaayo farmashi
  • Ballamaha degdegga ah (markii la ansixiyo) iyo ballamaha soo noqnoqda
  • Ballamaha dib u goaaminta u qalmidda ee gobolka
  • Dukaanka hortiisa in lagaa soo qaado ama booqashooyinka baanka cunnada lagu uruuriyo lagu tago
  • Fasalo waxbarasho oo caafimaadka la xiriira
  • Xarumaha jimicsiga ee maxaliga ah
  • Ballamaha hayada gobolka ama degmada
  • Shirarka cafiska

Waxaa jira xulashooyin dheeraad ah oo ay heli karaan xubnaha u qalma Cafiska ama Qarash Kadhaafida HCBS. Raacitaanadaan gaadiidka waa inay qeyb ka ahaadaan qorshaha adeegga qofka xubinta ah. Isu-duwaha Daryeelka ee Xubinta ayaa xaqiijin doona raacitaanka gaadiidka ee loo baahan yahay inuu kujiro qorshaha adeegga.

Daryeelka Aragga

Daryeelka aragga ee joogtada ah ayaa caymiska kujira. UnitedHealthcare waxay bixiyaan 1 baaritaan oo kan indhaha ah sanad walba kaasi oo bilaash ama lacag la’aan ah. Waxaanu sidoo kale bixinaa gunno loogu talagalay qiimaha ookiyaalaha ama muraayadaha indhaha la gasho sanadkiiba mar.

Dhigaalada Xubinta

Ilaha Xubinta (fur daaqada modeelka)
Powered by Translations.com GlobalLink OneLink SoftwarePowered By OneLink