U gudub tusmada ugu weyn
Tusmada Ugu Weyn

Sida la isaga Diiwaangaliyo Indiana PathWays for Aging

Hel daryeelka caafimaadka aad u-qalanto.

Indiana PathWays for Aging waa barnaamij Medicaid ah oo u adeega xubnaha jira da’da 60 iyo ka weyn. Waa adeegyo iyo taageero muddo dheer socda. Dad badan oo kujira barnaamijkaan ayaa sidoo kale u qalma Qorshaha Baahiyaha Gaarka ah ee Loo Qalmo ee Laba Geesoodka ah ee Medicare (D-SNP). 

Qorshahan waxaa laga heli karaa Indiana gobolada oo dhamaan.

Sida la iskaga Diiwaangeliyo

Eeg haddii aad u qalanto diiwaangelin:

Onlaynka:

Booqo mareegta GobolkaIndiana 

Wac:

Ka wac Indiana PathWays for Aging khadka caawinta lambarka 1-877-284-9294 (1-87-PATHWAY-4). Isticmaalayaasha TTY waxeey garaaci karaan 711.

Fool-ka-fool:

Booqo xafiiska FSSA ee deegaanka. Raadi xafiis kuu dhaw.

Haddii Aad Noqoto Mid u Qalma Barnaamijka Medicare

Haddii qofi noqdo naafo, wuxuu u qalmayaa barnaamijka saacideynta naafada ee Medicaid. Qaar ka tirsan dadka asalka u ah gobolka Indiana ama daggan ayaa u qalmi kara Medicaid iyo Medicare labadaba. Dadka asalka u ah gobolka Indiana ama daggan ee jira da’da 60 iyo ka weyn ayaa kujira Indiana PathWays for Aging caymiska Medicare ee dheeraadka ah. Caymiska Medicare waxaa loogu yeeraa Qorshaha Baahiyaha Gaarka ah ee Loo Qalmo ee Laba Geesoodka ah ee Medicare (D-SNP). 

Markii xubnaha ay kasoo baxaan wixii kale ee barnaamij caymis caafimaad ah ayna galaan Medicaid ama barnaamijka Medicare, taariikhdaas bilowga ah waxaa laga yaabaa inay tahay mid lasoo dhaafay. Markii caymisku isbaddalo, faaiidooyinkuna waa isbaddali karaan. UnitedHealthcare wuxuu u jiraa inuu kugu caawiyo sidii aad u fahmi lahayd wax kastoo ku saabsan caymiskaaga caafimaadka. Waanu ka jawaabi karnaa suaalo, xataa haddii mid un ka mid ah barnaamijyadaada uu ka tirsan yahay UnitedHealthcare. Wicitaanka adeegyada xubnaha ee Member Services waa tillaabada ugu horreysa ee helitaanka taageerada iyo xulashooyinka wax fahmida. 

Xulashada qorshaha

  • Ka wac khadka caawinta ee Indiana PathWays for Aging barnaamijka lambarka 1-877-284-9294 (1-87-PATHWAY-4).
  • Haddii aadan xulan qorshe caafimaad, maamulka Gobolka ayaa hal caymis kuu igmanaya adiga.
  • Haddii aad heysato Medicare iyo Medicaid labadaba, maamulka, Gobolka ayaa isku dayi doona inuu kuugu igmado isla hal qorshe oo caafimaad labada barnaamijba.
  • Asbaabo kale ayaa la tixgalin karaa, sida bixiyahaaga daganaanshaha (haddii ay taasi arrinka khuseyso).

Ma u baahan tahay Caawimaad?

Khubaradeena Indiana PathWays for Aging qorshaha caymiska ayaa suaalaha aad qabto kaaga jawaabi kara.

Naga soo wac lacag la'aan lambarka 1-800-832-4643, TTY 711­
8 sn.–8 gn. ET, Isniinta-Jimcaha

Ama ka wac khadka Indiana PathWays for Aging caawinta ee barnaamijka lanbarka 1-877-284-9294 (1-87-PATHWAY-4)

Waxaan sidoo kale kaa caawin karnaa adeegyada turjubaanka, oo ay ku jiraan Luqadda Dhegoolayaasha ee Mareykanka.

Powered by Translations.com GlobalLink OneLink SoftwarePowered By OneLink