U gudub tusmada ugu weyn
Tusmada Ugu Weyn

Sida qorshaha caafimaadka ee laba-geesoodka ah uu u caawin karo dadka qaba sonkorowga

La Soo Geliyay: Bisha Todobaad 30, 2021

Taariikhda Ugu Dambaysay ee La Cusbooneysiiyay: Bisha Laba iyo Tobnaad 01, 2022

5 qaababka qorshaha caafimaadka laba geesoodka ah ee loo qalmi karo uu u caawin karo dadka qaba sonkorowga

Sonkorowga waa cudur halis ah, oo waara. Waxay u baahan tahay maaraynta daryeelka sonkorowga oo fiican si loo xakameeyo sonkorowga. Ma lahan daawo cudurka sonkorowga. Balse dadka qaba sonkorowga weli way noolaan karaan waqti dheer oo farxad leh. Muhiimada ayaa ah in la sii wado daryeelka kahortagga sonkorowga oo hoos loo dhigo heerarka sonkorta dhiigga. Helitaanka qorshe caafimaad oo sax ah ayaa sidoo kale gacan ka gaysan kara. 

Qorshayaasha caafimaad ee laba geesoodka ah ee loo qalmi karo (sidoo kale loo yaqaano Qorshayaasha Laba Geesoodka ah ee Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah ama D-SNPs) waa nooc ka mid ah qorshaha Medicare Advantage ee loogu talagalay dadka u-qalma Medicaid iyo Medicare labaduba. Taasi waa waxa ereyga “u-qalma labada caymis” macnihiisu yahay. Maqaalkan wuxuu iftiiminayaa 5 qaababka qorsahae caafimaadka ee laba geesoodka ah uga caawin karo dadka qabasonkorowga inay si fiican u maareeyaan daryeelkooda sonkorowga.

Hel hagahaaga qorshaha laba geesoodka ah oo bilaash ah

 Wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato qorshayaasha Laba Geesoodka ah ee Baahiyaha Gaarka ah oo ku jira hal hage oo habboon.

1. Qorshaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ayaa kaa caawin kara daboolista kharashka insuliinta iyo daawooyinka kale ee sonkorowga

Qorshayaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ayaa kaa caawin kara bixinta lacagta insuliinta, qalimaanta insuliinta, siliinjaha, irbadaha iyo sahayda kale ee sonkorowga. Qorshayaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ayaa sidoo kale daboola daawooyinka dhakhtarku qoro si gacan looga geysto sonkorowga. Qaar ka mid ah daawooyinka sonkorowga waxay hoos u dhigaan heerka gulukooska dhiigga (sonkorta dhiigga). Daawooyinka kale ee la xiriira sonkorowga waxay gacan ka geystaan hoos u dhigista caddaadiska dhiigga si loo yareeyo khatarta cudurrada wadnaha iyo faaliga.  

2. Qorsheyaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ayaa sidoo kale gacan ka geysta saadka sonkorowga

Insuliinta ka sokow, waxaa loo baahan yahay sharootooyinka baaritaanka iyo dhammaan noocyada sahayda kale ee caafimaadka si loogu maareeyo sonkorowga si wax-ku-ool ah. Dadka qaba sonkorowga, kharashka sahayda sonkorowga ugu badan karta si degdeg ah. Balse mar labaad, kani waa aag kale oo laga yaabo inuu gacan ka gesyto qorshaha caafimaadka laba geesoodka ah ee loo qalmi karo. 

Biilasha Cuntada, Daawooyinka Laga IibsadoMiiska Farmashiga (OTC) iyo Yutiilitiyada (biyaha iyo korontada) waa macaash qiimo leh oo ay ku jira qorshayaasha caafimaadka ee laba-geesoodka ah ee laga helo UnitedHealthcare.* Macaashka wuxuu siiyaa xubnaheena dhibco bille ah oo dabacsan oo ay isticmaali karaan si ay uga iibsadaan kumanaan baddeecooyinka laga iibsado miiska farmashiyaha ee ay hayaan tafaariiqleyaal badan. Haddi ay tahay faashad, suufka aalkolada, kormeeraha/la socdaha dhiikarka ama agabyada kale ee kaa caawinaysa daryeelka sonkorowga, waxaad ku iibsan kartaa dhibcahaaga halkii aad lacagta ka bixin lahayd jeebkaaga. Oo haddii aad u baahan tahay waxyaabo ay ka mid yihiin asbiriin, fiitamiino, daawada cadayga, sahayda ilkaha macmalka ah ama faashado, waxaad isticmaali kartaa dhibcaha si aad u iibsato alaabtaas sidoo kale.

Cunista cuntooyinka caafimaadka leh waxay si degdeg ah u dhimi karaan heerarka sonkorta dhiigga ee A1C.

3. Qorshayaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ayaa laga yaabaa inay bixiyaan deymaha lagu iibsado cuntada caafimaadka leh

Xubnaha UnitedHealthcare sidoo kale way isticmaali karaan Dhibcaha Cuntada, OTC iyo Biilka Tasiilaadka si ay ugu iibsadaan cuntooyinka la ansixiyey iyagoo aan wax kharash ah ka bixin.  Noocyada kala duwan ee xulashooyinka waxaa ka mid ah miraha iyo khudaarta, hilibka iyo kalluunka, ukunta iyo baddeecooyinka caanaha laga sameeyo iyo waxyaabaha kale oo badan ee ah cuntada caafimaadka leh.

Cuntada caafimaadka leh waa qayb muhiim ah oo ka mid ah maaraynta daryeelka sonkorowga ee fiican. Baaritaanka sonkorowga ee A1C wuxuu raadraacaa heerarka sonkorta dhiigga ee sonkorowga waqti dhan 2- 3-bilood. Cuntooyinka ay ku badan yihiin karbohayhaydraytyadu (karbohaydraytyada), sida baastada, rootiga iyo badarka waxay kor u qaadi karaan sonkorta dhiiga. Balse cunista cuntooyinka caafimaadka leh waxay si degdeg ah u yarayn karaan heerarka sonkorta dhiigga ee A1C. Cun miro badan, khudaar aan warango lahayn, miro is-qaba iyo cuntooyin liilka ku badan yahay. Xaddid cuntooyinka baakadaysan, la warshadeeyay iyo kuwa la soo saaray ee ay ku badnaan karaan dufanka buuxa, cusbada iyo sonkorta lagu daray. Ka taxaddar badnida ama yarida cuntada sidoo kale. Cunista wax yar ayaa noqon kartaa mid ka mid ah qaababka ugu wanaagsan ee lagu maareeyo sonkorowga laguna dhimo heerka sonkorta dhiigga.

4. Qorsheyaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ayaa gacan ka geysan kara jimicsiga

Ka sokow cuntada wanaagsan iyo is-nafaqaynta, jimicsigu waa mid ka mid ah isbeddellada qaab nololeed ee ugu muhiimsan ee kaa caawin kara hoos u dhigista heerarka sonkorta dhiigga ee A1C. Waxaana jira faa'iidooyin caafimaad oo kale oo badan oo wehliya inaad jir ahaan firfircoonaato. Taasi waa sababta qaar badan oo ka mid ah qorshayaasha caafimaadka laba geesoodka ah ee UnitedHealthcare ay ugu jiraan barnaamijka jirdhiska ee Renew Active®. Faa'iidadan waxay siinaysaa xubnaha xubinimada caadiga ah ee jiimka iyo xarumaha jimicsiga oo bilaash ah, marka loo geeyo gelitaanka fasalada kooxeed iyo jimicsiga maskaxda ee onlaynka ah. 

5. Qorsheyaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ayaa laga yaabaa inay bixiyaan iskudubarid daryeel si gacan looga geysto maaraynta sonkorowga

Qabida sonkorowga ama jirrooyinka kale ee muddada-dheer waxay noqon kartaa mid adag. Dadka haysta Medicaid iyo Medicare waxay u muuqdaan inay qabaan baahiyo daryeel caafimaad oo aad u badan. Qorshaha Laba Geesoodka ah ee Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah ee UnitedHealthcare, waxaad ka heli kartaa mahadho daryeel oo iskudubaridan si ay gacan uga geysato maaraynta qorshaha daryeelka sonkorowgaaga iyo sidoo kale arrimo kale oo caafimaad oo laga yaabo inaad qabto.

Xubnaha qorshayaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ee UnitedHealthcare waxay leeyihiin Jiheeye si uu uga caawiyo sidii ay u ugu biiri lahaayeen nidaamka daryeelka caafimaadka. Jiheeyahaagu waa hal qof oo lala xiriiro kaasoo ku ogaan doona adiga iyo caqabadahaaga caafimaad ee gaarka ah. Kaba soo qaad inaad qabto su'aal ku saabsan heerarka daryeelka sonkorowga ama aad rabto taageero dheeraad ah sida la-talinta sonkorowga ama nafaqeynta. Waxaad wici kartaa Jiheeyahaaga si aad jawaabo u hesho oo aad u ogaato barnaamijyada la heli karo. Jiheeyahaaga ayaa kula shaqayn doona adiga, qoyskaaga iyo daryeelayaashaada si loo hubiyo in baahiyahaaga daryeel la buuxiyey.  

UCard®, kaliya laga helo UnitedHealthcare

Kaarkaaga UCard waa Aqoonsigaaga (ID) xubinta iyo wax kale oo badan. Isticmaal kaarkaaga UCard si aad u iibsato cunto caafimaad leh, daawooyinka aan rijeetada lagu iibsan (OTC) oo ku bixi lacagta korontada iyo biyaha.

*Dheefaha iyo sifooyinka way ku kala duwan yihiin qorshe/aag kasta. Xaddidaado iyo ka-dhaafitaano ayaa khuseeya. Faahfaahinada saxda ah ee Dhibcaha Cuntada, OTC iyo Biilasha Tamarta ee ay ku jirto 2023 Qorshahaaga Baahiyaha Gaarka ah ee laba-geesoodka, wac lambarka ama booqo mareegta ku qoran dhabarka dambe ee kaarkaaga UnitedHealthcare UCard.

Ogow qorshayaasha UnitedHealthcare ee ka jira aaggaaga

Qorshaha labada caymis ee loo qalmo ama macaashyada qorshaha Medicaid way isbeddeli karaan iyadoo ku xiran halka aad ku nooshahay. Ku raadi adigoo isticmaalaya koodhka cinwaankaaga si aad u hesho qorshaha saxda ah ee dabooli kara baahiyaha daryeelka caafimaadkaaga.

Weli su'aal miyaad qabtaa

Waxaan halkan u joognaa inaan ku caawino

Nagala soo xiriir:
1-844-812-5967 / TTY: 711
8 sn. ilaa 8 gn. wakhtiga maxaliga ah, 7 maalmood todobaadkii

Weli su'aal miyaad qabtaa

Waxaan halkan u joognaa inaan ku caawino

Nagala soo xiriir:
1-844-812-5967 / TTY: 711
8 sn. ilaa 8 gn. wakhtiga maxaliga ah, 7 maalmood todobaadkii

Powered by Translations.com GlobalLink OneLink SoftwarePowered By OneLink