U gudub tusmada ugu weyn
Tusmada Ugu Weyn

Qorshayaasha Medicaid

Medicaid waxay bixisaa caymiska caafimaadka ee loogu talagalay qaar ka mid ah dadka dakhligoodu hooseeyo, carruurta, haweenka uurka leh, waayeelka, iyo dadka qaba naafonimada. Gobolada qaarkood, Medicaid wuxuu caymiyaa dhammaan dadka qaangaarka ah ee dakhligoodu hooseeyo ilaa heer dakhli oo cayiman.

Waa maxay Medicaid?

Medicaid waa hab aad ugu hesho daryeel caafimaad qiimo jaban ama mararka qaarkood lacag la'aan ah. Medicaid waxaa maamula gobol kasta, sidaas darteed shuruudaha u-qalmitaanka way isbeddeli karaan gobol ka gobol.

Dib-u-cusbooneysiinta u-qalmida caymiska Medicaid

Haddii lagu waydiistay inaad dib u cusbooneysiiso qorshahaaga caymiska ee Medicaid, waxaa laga yaabaa inaad qabto suaalo ku saabsan waxa xiga ee lagaa rabo ee ay tahay inaad qabato. Waxaan halkaan ujoognaa inaan eegno xaaladaada Medicaid aana baarbaarno xulashooyin kale oo caymis haddii aad u baahan tahay qorshe cusub.

Macaashyada Medicaid

Dawlada federaalka waxay gobalada ay uga bahan tahay inay bulshada qaar ee kuwooda xaqa u leh inay u fidso manfacyada caymiska caafimaadka ee Medicaid.

Gobollada ayaa dooran kara inay manfacyada dheeri ah, manfacyada qaar waxaa ka mid ah sida:

  • Isbitaal tagista iyo jiifiska
  • Tagista xafiiska dhakhtarka
  • Daryeelka dhalmada ka horreeya iyo kan dhalmada
  • Adeegyada kalkaalisa guriga
  • Adeegyada caafimaadka guriga
  • Baaritaannada carruurnimada hore
  • Gaadiidka caafimaadka ee gargaarka degdegga ah

 

Dib-u-cusbooneysiinta u-qalmida caymiska Medicaid

Haddii lagu waydiistay inaad dib u cusbooneysiiso qorshahaaga caymiska ee Medicaid, waxaa laga yaabaa inaad qabto suaalo ku saabsan waxa xiga ee lagaa rabo ee ay tahay inaad qabato. Waxaan halkaan ujoognaa inaan eegno xaaladaada Medicaid aana baarbaarno xulashooyin kale oo caymis haddii aad u baahan tahay qorshe cusub.

Miyaan u qalmaa Medicaid?

Gobol kasta isagaa Medicaid maamula, marka sharuudaha uqalmitaanku waxay ku xiran yihiin meesha aad ku nooshahay.

Sidee ayaan isugu qoraa caymiska Medicaid?

Si aad isugu diiwaan galiso Medicaid, waxaad u baahan doontaa inaad ka dhex codsato wakiilka Medicaid ee ku sugan gobolkaaga.

Powered by Translations.com GlobalLink OneLink SoftwarePowered By OneLink