U gudub tusmada ugu weyn
Tusmada Ugu Weyn

Faa'idada iyo khasaaraha wax daryeelida

La Soo Geliyay: Bisha Afraad 05, 2021

Taariikhda Ugu Dambaysay ee La Cusbooneysiiyay: Bisha Laba iyo Tobnaad 06, 2022

U adeegista daryeele ahaan waa mid qiimo leh waxayna noqon kartaa mid faa'iido badan leh. Balse dhab ahaantii ma fudada. Dad badan oo u-qalma caymiska laba geesoodka ah ee Medicaid iyo Medicare labaduba waxaa laga yaabaa inay qabaan xaalado caafimaad oo halis ah. Oo baahida joogtada ah ee loo qabo daryeelida qof qabo baahiyo gaarka ah waxay noqon kartaa mid culays shucuureed leh. Ogaanshaha inta uu le'eg yahay culayska inaad maarayso dareenkaaga waxay ka dhigi kartaa doorkaaga daryeele ahaan mid guul iyo faa'iido badan leh.

Hel hagahaaga qorshaha laba geesoodka ah oo bilaash ah

 Wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato qorshayaasha Laba Geesoodka ah ee Baahiyaha Gaarka ah oo ku jira hal hage oo habboon.

Midkee weedhahaan si dhab ah kuu khuseeya?

Waa kuwaan shucuurada caadiga ah ee ay daryeelayaashu dareemaan:

a. Maalmaha qaarkood ayaa ka fiican maalmaha kale
b. Waan ogahay in doorkaygu yahay mid qiimo leh, balse niyad-jab ayuu igu dhalin karaa mararka qaarkood
c. Mararka qaarkood waxaan dareemaa inaan is eedo markaan yeesho dareemaha xunxun ee aan ka qabo daryeelistayda
d. Dhammaan kuwa kor ku xusan

Haddii aad dooratay “d,” keligaa ma tihid. Daryeelistu waxay inta badan la timaadaa waxyaabo fiican iyo waxyaabo xunxun. Waxyaabaha fiican waxay ku siin karaan tamar, balse kuwa xunxun waxay noqon karaan kuwo aad u daal badan. Fikradaha iyo dareenada xunxun sidoo kale waa caadi. Balse waa inaad wax ka qabato iyaga. In la iska indhatiro shucuuraha taban waxay horseedi kartaa dhibaatooyinka hurdo la'aanta, isticmaalka maandooriyaha, cunto cunnista badan iyo jirro. Mid kasta oo kuwaasi ka mid ah waxay ka dhigi karaan daryeelistu mid adag oo aan loo riyaaqi karin. Sida aad u maareeyso dareenkaaga waxay ka dhigi kartaa doorkaaga daryeele ahaan mid in badan guulaysta.
 

Xirfadaha la-qabsiga ee daryeelayaasha

Way adkaan kartaa inaad wax ka qabato shucuurtaada marka aad si adag ugu hawlan tahay inaad daryeesho qof kale. Balse la-qabsiga dareenadaada waa muhiim. Walbahaarka daryeelaha, daalka daryeelaha iyo eeda daryeelaha. Kuwaani waa qaar ka mid ah shucuuraha ugu caansan ee daryeelayaashu dareemaan. Hoos waxaa ku yaala xirfado kaa caawinaya inaad wax ka qabato kuwaan iyo shucuuraha kale daryeelayaasha.

Waxa aad dareemayso

Qaababka kaa caawin kara inaad wax ka qabato

Walbahaarka

Daryeelista qof qaba jirro, dhaawac ama naafanimo waxay noqon kartaa caqabad. Taasina waxay noqon kartaa mid walbahaar leh. Mararka qaarkood walaaca daryeelaha wuxuu u horseedi karaa dhibaatooyin kale oo caafimaad sida niyad-jab ama walbahaar.

Isku day inaad u samaysato jadwal joogto ah wakhtiga cuntada iyo jiifka. Si fiican u hurud (7-9 saac) habbeenkii. Socsoco oo isku day inaad waqti u goyso inta lagu gudajiro maalinta si aad u qaadato neefsasho qoto-dheer, isku kala bixiso ama u khilaawayso.

Daal (Daalis)

Daalka daryeelaha, ama tabar-dhigida daryeelaha, waa marka daryeelayaashu noqdaan kuwo maskax ahaan, dareen ahaan iyo jir ahaanba daalan. Waxay keeni kartaa dareeno xunxun iyo utun.

Dareemida culeysyo, inaad diyaar u ahayn ama aadan haysan wax ikhtiyaar ah oo aan ka ahayn inaad noqoto daryeele waxay dhammaantood u horseedi karaan daal daryeelaha. Diirada-saar inaad daryeesho naftaada oo codsoin lagu caawiyo.

Xanaaq/caro

Mararka qaarkood qofka aad daryeesho waxaa laga yaabaa inuusan kuu mahadnaqin ama xitaa uusan rabin caawintaada. Taasi waxay sii adkayn kartaa wax walba. Xiisad iyo kacsanaan ayay inta badan keentaa.

Is-cafi. Baro inaad ka tagto oo aad waqti qaadato. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inay ku caawiso inaad la hadasho qof kuu oggol inaad ka hadasho waxa kicinaya xanaaqaaga.

Niyad-jabka

Dareemida rajo la'aan ama miciin la'aan, dareemida farxad la’aan, hurdo la'aan iyo walaac. Dhammaan waxyaabahaan waa calaamadaha niyad-jabka. Daryeelayaashu waxay halis ugu jiraan niyad-jabka, sidaas darteed ka fikir waxa aad dareemeyso maalin kasta.

Haddii aad dareento niyad-jab, si dhab ah u qaado. Qaado ballan aad u aragto dhakhtarkaaga ama xirfadlaha caafimaadka maskaxda. Jimicsiga, terabiga iyo dawooyinka ayaa kaa caawin karaan niyad-jabka.

Cabsida

Inaad mas'uul ka ahaato caafimaadka iyo fayo-qabka qof kale waxay ka dhigi kartaa daryeelayaasha inay dareemaan walwal ama cabsasho.

Lahaanshaha qorshe labaad ayaa laga yaabaa inuu kaa caawiyo hoos u dhigista walaaca. Raadso qof kugu simi kara shaqada hal saac maalintii. Sidoo kale, kala hadal qof aad ku kalsoon tahay waxyaabaha aad ka walwalayso.

Eed

Eedda daryeelaha waa wax caadi ah. Taasi waxaa ugu wacan inaan inta badan ku fikirayno inay tahay inaan qabano shaqo ka fiican. Ama inaan mar walba jecelnahay inaan ahaano daryeele. Ama in aynu marnaba noqon samir laawe ama xanaaqin. Liisku dhammaad ma lahan.

Naftaada u tur oo dejiso hadafyo macquul ah. Kaamilnimadu ma ahan hadafka. Ku hanweynow inaad rabto inaad noqoto daryeele heer sare ah. Balse isku dabacsanow marka si heer sare ah wax aadan u qaban.

Xin/Xasad/Masayr/Hinaaso

Waa dabeecadda ay leeyihiin bini'aadamka inay dareemaan utun ama xaasidnimo. Daryeelayaasha ayaa laga yaabaa inay ximiyaan saaxiibada haysta xorriyad badan maalintii. Ama qaraabada meel fog ku nool oo aan wax la daryeelin.

Xinka wuu dhacaa. Balse isku day inaad iska ilaaliso in aad diirada saarto fikradaha xinka. Taas beddelkeeda, isku day inaad xoogga saarto waxa aad haysato. Ka mahadnaqida waxa aad haysato waxaa laga yaabaa inay kaa caawiso inaad ka gudubto dareenka xaasidnimo.

Dhigaalada caawiya daryeelayaasha

Dad badan sida ay qabaan, noqoshada daryeele inta badan waa khibrad cusub. Waa wax la fahmi karo inaad dareemi karto kalsooni-darro ama culeysyo mararka qaarkood. Taasi waa sababta ay muhiim u tahay in la ogaado halka aad caawimaad u raadsan karto. Mareegta UnitedHealthcare waxaad ka heli doontaa macluumaad iyo dhigaalo qiimo leh oo kaa caawin kara safarkaaga daryeelista.

UnitedHealthcare waxay sidoo kale bixisaa dual-eligible health plans, ama Qorshayowga Dual Special Needs, si loo caawiyo dadka u qalma Medicaid iyo Medicare labaduba. Dadka u-qalma labada caymis ee Medicaid iyo Medicare inta badan waxay qabaan baahiyo caafimaad oo daran, oo socda. Qorsheyaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ee loo qalmi karo ayaa loogu talagalay inay u sahlaan nolosha xubnaha. Wayna sahli karaan nolosha daryeelayaasha sidoo kale. Qorshayaashaan waxay fududeynayaan isudubaridka daryeelka ee loogu talagalay dadka u baahan inay maareeyaan dhakhaatiir, takhasuslayaal iyo adeegyo daryeel oo badan.

Ogow qorshayaasha UnitedHealthcare ee ka jira aaggaaga

Qorshaha labada caymis ee loo qalmo ama macaashyada qorshaha Medicaid way isbeddeli karaan iyadoo ku xiran halka aad ku nooshahay. Ku raadi adigoo isticmaalaya koodhka cinwaankaaga si aad u hesho qorshaha saxda ah ee dabooli kara baahiyaha daryeelka caafimaadkaaga.

Weli su'aal miyaad qabtaa

Waxaan halkan u joognaa inaan ku caawino

Nagala soo xiriir:
1-844-812-5967 / TTY: 711
8 sn. ilaa 8 gn. wakhtiga maxaliga ah, 7 maalmood todobaadkii

Weli su'aal miyaad qabtaa

Waxaan halkan u joognaa inaan ku caawino

Nagala soo xiriir:
1-844-812-5967 / TTY: 711
8 sn. ilaa 8 gn. wakhtiga maxaliga ah, 7 maalmood todobaadkii

Powered by Translations.com GlobalLink OneLink SoftwarePowered By OneLink