
Hamm … waxay u egtahay il-mariskaagu (browser) inuu duugoobay.
Aan cusboonaysiinno il-mariskaaga si aad ugu raaxaysato mahadhada degdeg badan, ee degelka aadka u sugan.

Medicare iyo Medicaid iyo naafada
La Soo Geliyay: Luulyo 30, 2021
Taariikhda Ugu Dambaysay ee La Cusbooneysiiyay: Diseembar 02, 2022
Waa maxay Medicaid yaase u-qalma?
Medicaid waa barnaamij ay leeyihiin dawladda dhexe iyo gobolka oo siiya caymiska daryeelka caafimaadka dadka u-qalmaan. Dadka u-qalma Medicaid waxaa ka mid ah:
- Haweenka uurka leh ee dakhligoodu hooseeyo
- Carruurta ka soo jeedo qoysaska danyarta ah
- Carruurta ku jirta daryeelka korrinta
- Dadka qaba naafonimada
- Waayeelka dakhligoodu hooseeyo
- Waalidiinta ama daryeelayaasha dakhligoodu hooseeyo
Barnaamijyada Medicaid waa mid ay dawladdu maamusho. Sidaas awgeed goboladu waxay dooran karaan inay Medicaid siiyaan dad badan, sida shakhsiyaadka dakhligoodu hooseeyo ee laga yaabo ama dhici karto inaysan carruur lahayn.
Hel hagahaaga qorshaha laba geesoodka ah oo bilaash ah
Wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato qorshayaasha Laba Geesoodka ah ee Baahiyaha Gaarka ah oo ku jira hal hage oo habboon.
Ma ku heli karaa Medicare ama Medicaid naafonimada?
Dadka qaba naafonimada ama xaaladaha daba-dheeraada oo dakhligoodu hooseeyo waxay u-qalmaan Medicaid. Gobolada oo dhan ayaa sidoo kale siiya macaashyada Medicaid ee waayeelka, indhoolaha iyo naafada (ABD). ABD Medicaid waxaa loogu talagalay dadka waaweyn dad'doodu tahay 65 jir iyo ka weyn ama qof kasta oo qaba naafonimo sida ku cad Sugnaanta Bulshada. Balse sidoo kale waa inaad buuxiso shuruudaha u-qalmitaanka dhaqaale ee ka jira gobolkaaga.
Haddii aad u-qalanto Medicaid ama Medicare waxay ku xiran tahay nooca macaashyada naafonimada ee aad qaadanayso.
- Haddii aad qabto naafonimada Dakhliga Sugan ee Kabbista ah (SSI):
Waxaad u-qalmi doontaa caymiska Medicaid. Gobolo badan, waxaad si toos ah uga heli doontaa Medicaid. Balse gobolada kale, waxaad u baahan doontaa inaad isku diiwaangeliso Medicaid. - Haddii aad qaadato Dakhliga Naafonimada ee Sugnaanta Bulshada (SSDI):
Waxaad u-qalmi doontaa Medicare.
In ka badan 10 malaayiin qof ayaa u-qalma Medicaid iyadoo lagu salaynayo naafonimadaMACPAC (Medicaid iyo CHIP Payment iyo Access Commission)
Waa maxay shuruudaha loogu qalmo naafo ahaan?
Dhib ma lahan haddii aad haysato SSI, SSDI, Medicaid, ABD Medicaid ama Medicare, shuruudaha caafimaadka waa isku mid. Marka hore, waa inaad buuxisaa shuruudaha naafanimada ee aan caafimaadka ahayn. Kuwaan waxay inta badan ku salaysan yihiin taariikhdaada shaqo iyo canshuuraha sugnaanta bulshada ee aad bixisay. Kadib, macaashka naafonimada ee billaha ah ayaa la bixiyaa haddii xaaladda caafimaad la filayo inay jiri doonto ugu yaraan 1 sano ama ay sababyso dhimasho.
Noocyada kala duwan ee xaaladaha caafimaad ee loogu qalmo naafo ahaan ee dadka waaweyn ee ka weyn da'da 18 jir ayaa ku qoran jaantuska hoose. Ogow in jaantuska inuu muujinayo liis guud. Kama mid ahan xaalad kasta ay dadka waaweyn ugu qalmi karaan naafonimada sugnaanta bulshada. Si aad u hesho liiska buuxa ee shuruudaha u-qalmitaanka booqo Mareegta Maamulka Sugnaanta Bulshada (SSA).Waxaa sidoo kale jira liiska caruurnimada oo gooni ah kaasoo muujinaya cilladaha carruurta qabta naafonimada.
Ugu Qalmida Cilad Caafimaad |
Sharraxaada |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Ka warran haddii aad ka yar tahay da'da 65 jir oo aad qabto naafonimo?
Dadka da'doodu ka yar tahay 65 jir ee qaba naafonimada ayaa si toos ah ugu qalma inay helaan Medicare (Part A iyo B) kadib markay ka helaan macaashka Sugnaanta Bulshada ilaa 24 bilood Haddii aad sidoo kale ugu qalanto Medicaid ama Medicaid naafonimo, barnaamijka Medicaid ee ka jira gobolkaaga ayaa laga yaabaa inuu kaa caawiyo bixinta kharashaadka iyo adeegyada Medicare aysan daboolin. Adeeg kasta oo ay daboolaan Medicare iyo Medicaid labaduba (sida booqashooyinka dhakhtarka, daryeelka isbitaalka, daryeelka guriga iyo daryeelka xarunta kalkaalinta xirfadeed), Medicare ayaa lacagta bixin doona marka hore. Medicaid waxaa sidoo kale laga yaabaa inay bixiso kharashaadka ama adeegyada dheeraadka ah, balse waa kadib marka la isticmaalo saamiga Medicare.
Waa maxay u-qalma laba caymis ama caymiska laba geesoodka ah ee dadka qabo baahiyaha gaarka ah?
In ka badan 10 milyan oo qof ayaa u-qalma Medicaid iyadoo lagu salaynayo naafonimada.1 Waxaa sidoo kale jira in ka badan 12 malaayiin qof oo u-qalma Medicare iyo Medicaid labadauba.2 Dadkaan waxaa loo yaqaanaa “dadka u-qalma labada caymis” sababtoo ah waxay u-qalmaan labada caymis ee Medicare iyo Medicaid. Qorshayaasha caafimaad ee laba geesoodka ah ee loo qalmi karo ayaa bixiya macaashyo ka badan kuwa Original Medicare. Balse arrintu waxay tahay, dad badan oo u-qalmi kara Qorshaha Laba Geesoodka ah ee Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah ma oga inay jiraan qorshayaashaan.
Waa maxay Qorshaha Laba Geesoodka ah ee Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah?
Qorshayaasha Laba Geesoodka ah ee Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah waxaa loogu talagalay dadka u baahan waxoogaa caawimaad dheeraad ah. Taasi waxaa sabab u ah dakhliga, naafonimada, da'da iyo/ama xaaladaha caafimaadka. Qorshayaasha Laba Geesoodka ah ee Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah waa nooc gaar ah oo ka mid ah Qorshaha Medicare Advantage. Waxaa ku jira wax kasta oo aad ka hesho Original Medicare, waxaa intaas dheer caymiska daawada dhakhtarku qoro iyo macaashyo kale oo badan oo siyaado ah. Waxaadna ku heli kartaa wax kasta wax ka hooseeya $0 carbuunta qorshaha. *
Sida la isugu diiwaangeliyo Qorshaha Laba Geesoodka ah ee Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah
To see if you qualify for a Dual Special Needs plan, read this article. Ama isticmaal sanduuqa raadinta hoose si aad u hesho qorshayaasha caafimaad ee laba geesoodka ah ee laga heli karo aaggaaga.
UCard®, only from UnitedHealthcare
Your UCard is your member ID and so much more. Isticmaal kaarkaaga UCard si aad u iibsato cunto caafimaad leh, daawooyinka aan rijeetada lagu iibsan (OTC) oo ku bixi lacagta korontada iyo biyaha.
1 MACPAC (Medicaid and CHIP Payment and Access Commission)
2 Bogga falanqaynta ee CMS ee Xafiiska Isuduwidda Medicare-Medicaid
*Dheefaha iyo sifooyinka way ku kala duwan yihiin qorshe/aag kasta. Xaddidaado iyo ka-dhaafitaano ayaa khuseeya.
Ogow qorshayaasha UnitedHealthcare ee ka jira aaggaaga
Qorshaha labada caymis ee loo qalmo ama macaashyada qorshaha Medicaid way isbeddeli karaan iyadoo ku xiran halka aad ku nooshahay. Ku raadi adigoo isticmaalaya koodhka cinwaankaaga si aad u hesho qorshaha saxda ah ee dabooli kara baahiyaha daryeelka caafimaadkaaga.